|

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub

Warar · Ilhaan · November 25, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub
Angola: Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub
In Summary

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola uga qaybgalay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga qaaradaha Afrika iyo Yurub.

Soomaaliya ayaa madasha ku soo bandhigtay guulaha la gaaray sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan dhinacyada nabadeynta, amniga, dowlad-dhiska, iyo dib-u-habeynta maaliyadda.

Mudane Saalax, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa carrabka ku adkeeyay:

  • In Soomaaliya ay si joogto ah u dar-dar gelisay tayeynta hay’adaha dowliga ah

  • Dib-u-habeynta amniga iyo la-dagaallanka kooxaha xagjirka

  • Doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada xasilloonida dalka

Dhinaca horumarinta dhaqaalaha, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku wuxuu xusay guulaha waaweyn ee la gaaray, oo ay ku jiraan ka bixitaanka barnaamijka dayn-cafiska HIPC iyo ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC), fursado cusubna u furay Soomaaliya dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga.

Ugu dambeyn, Mudane Saalax ayaa ugu baaqay labada dhinac — Afrika iyo Yurub — in ay sii xoojiyaan iskaashi ku dhisan kalsooni, wadajir iyo mas’uuliyad wadaag, si loo dhiso mustaqbal xasilloon, horumar leh oo ay bulshooyinka labada qaaradood ka wada faa’iideystaan.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.