Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegtay in dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab

War-saxaafadeed ka soo baxay dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ay hawlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
“Hawlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhufaysyada iyo gabaadyada ay Al-shabaab ku dhuumaaleysanayeen,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaarada Gaashaandhiga.
Waxa kale oo lagu xusay in halkaasi lagu dilay ilaa 100 xubnood oo ka tirsan Alshabaab kuwaas oo ay hoggaamiyayaal ku jireen.
“Xogta sirdoonka ayaa muujisay in shabaab ay u diyaargaroobayeen sidii ay isaga caabbin lahaayeen hawlgalka ballaaran ee “Duufaanta Aamusan” oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM ka wadaan deegaannada Shabeellaha Hoose,” ayaa uu warsaxaafadeedku intaasi raaciyay.