Maxkamadda Ciidamada oo Toogasho ku Xukuntay Askari Dilay Muwaadin uu Sheegay Inuu “Fiiriyay”

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah oo qisaas ah ku riday Ex-Dable Bakar Cabdicasiis Maxamed, oo horey uga tirsanaa Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, kaddib markii lagu helay inuu si bareer ah u dilay muwaadin muruqmaal ahaa oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.
Falka dilka ah ayaa dhacay 28-kii June 2025, agagaarka Masjidka Cali Boolaay ee degmada Waabari. Sida ay caddeeyeen markhaatiyaasha, sababta uu u dilay marxuumka waxay ahayd hadal sahlan oo uu ku yiri: “Maxaad iisoo fiirisay?”
Eedeysanuhu ayaa isku dayay inuu baxsado isagoo raacaya mooto Fekon ah, hase yeeshee waxaa lagu qabtay isla habeenkii degmada Cabdicasiis, kadib howlgallo degdeg ah oo ay sameeyeen hay’adaha ammaanka.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa sameeyay baaritaan dhameystiran, waxaana dacwadda si rasmi ah loo furay 27-kii July. Garsoorayaasha maxkamadda ayaa ugu dambeyn ku xukumay dil toogasho ah oo ah qisaas sharci ah oo waafaqsan shareecada iyo xeerarka ciidamada.
Guddoomiyaha Maxkamadda, G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in xukunkaasi yahay mid cadaalad ah oo u adeegaya xuquuqda marxuumka iyo rabitaanka qoyska dhibbanaha.