Trump oo ballaariyay xayiraadda socdaalka, dalal cusubna ku daray liiska mamnuucista
Madaxweyne Donald Trump ayaa ballaariyay xayiraadda socdaalka Mareykanka, isagoo mamnuucid buuxda kusoo rogay muwaadiniin ka socda dhowr dal iyo dadka haysta baasaboorka Maamulka Falastiin, taas oo dhaqan galaysa 1-da Janaayo.
Madaxweyne Donald Trump ayaa ballaariyay xayiraadda socdaalka ee Mareykanka, kaddib markii uu liiska mamnuucidda ku daray dalal cusub iyo sidoo kale dadka ku safraya dukumeentiyada uu bixiyo Maamulka Falastiin.
Aqalka Cad ayaa sheegay in xayiraaddan cusub loogu talagalay ilaalinta ammaanka Mareykanka, isla markaana ay dhaqan geli doonto 1-da Janaayo.
Xayiraadda gelitaanka buuxda ayaa lagu soo rogay muwaadiniinta ka soo jeeda Burkina Faso, Mali, Niger, Suudaanta Koonfureed iyo Suuriya, iyo sidoo kale dadka haysta baasaboorka Maamulka Falastiin.
Sidoo kale, dalalka Laos iyo Sierra Leone, oo horey u wajahayay xayiraado qeyb ah, ayaa hadda lagu daray mamnuucid buuxda, halka 15 dal oo kale—oo ay ka mid yihiin Nigeria, Tanzania iyo Zimbabwe—lagu soo rogay xayiraado qeyb ah.
Madaxweyne Trump, oo adkeeyay siyaasadda socdaalka tan iyo markii uu dib ugu laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo, ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid lama huraan ah, isaga oo ku sababeeyay daldaloolo ka jira nidaamyada baarista iyo hubinta socdaalayaasha ee dalalka qaar