Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Taageeray Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Shan iyo tobanka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay ka dooday tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, iyagoo si cad u muujiyay taageerada ay u hayaan midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Intii ay dooddu socotay, xubnaha Golaha Ammaanka ayaa adkeeyay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Safiir-ku-xigeenka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Tammy Bruce, ayaa sheegtay in siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan Soomaaliya aysan wax isbeddel ah ku imaan. Sidoo kale, ergeyga Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in Ingiriisku sii wadi doono taageerada midnimada, madaxbannaanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee Soomaaliya.
Soomaaliya, oo kulanka ku matalaysay dalalka Algeria, Guyana iyo Sierra Leone, ayaa si adag u cambaareysay aqoonsiga ay Israa’iil ku sameysay Somaliland, iyadoo ku tilmaantay “xadgudub aan loo meel dayin” oo ka dhan ah midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalka. Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle, ayaa si cad u sheegay in “tallaabo kasta oo ku aaddan aqoonsiga Somaliland ay tahay waxba kama jiraan.”
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay afar waddan oo aan ka mid ahayn xubnaha Golaha Ammaanka balse codsaday inay ka soo qeybgalaan, kuwaas oo kala ah Turkiga, Masar, Jabuuti iyo Koonfur Afrika.
Ergeyga Jabuuti ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay si bareer ah ugu xadgudbeyso shuruucda iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka aasaasiga ah ee Midowga Afrika. Wuxuu ku tilmaamay go’aanka Israa’iil mid mas’uuliyad-darro ah oo khatar ku ah nidaamka sharciga caalamiga ah.
Dhankiisa, ergeyga Turkiga ayaa tallaabada Israa’iil ku sifeeyay “khatar toos ah” oo ku wajahan xubin ka tirsan Jaamacadda Carabta, taas oo keeni karta xasillooni-darro ka dhalata Geeska Afrika iyo amniga guud ee gobolka Carabta iyo Afrika. Wuxuu intaas ku daray in ku dhawaaqista Israa’iil ay tahay tusaale kale oo ka mid ah falal sharci-darro ah oo ay xukuumadda Netanyahu ku abuureyso xasillooni-darro heer gobol iyo heer caalami.
Sidoo kale, ergeyga Joogtada ah ee Jaamacadda Dowladaha Carabta ayaa Israa’iil ku eedeeyay in go’aankan uu la xiriiri karo qorshayaal lagu doonayo barakicinta Falastiiniyiinta ku nool Gaza, isla markaana ay u adeegsanayso marmarsiiyo ay si sharci-darro ah ugu joogto dhulka Soomaaliyeed, kuna fuliso ajandayaal siyaasadeed, amni iyo dhaqaale.
Dhinaca kale, Safiir-ku-xigeenka Maraykanka ayaa difaacday Israa’iil, iyadoo sheegtay in Israa’iil ay xaq u leedahay sameysashada xiriirro diblomaasiyadeed, sida dal kasta oo madax-bannaan uu xaq ugu leeyahay.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe, Aasiya iyo Baasifigga, Khaled Khiari, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada daneeya Soomaaliya in arrintan lagu wajaho wadahadallo nabadeed oo wax dhisaya, laguna saleeyo war-murtiyeedkii ka soo baxay shirarkii wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacay Jabuuti.
Israa’iil ayaa Jimcihii la soo dhaafay ku dhawaaqday inay dal madax-bannaan u aqoonsatay Somaliland, kaddib wada-hadal taleefan oo dhex maray Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro. Tallaabadaas ayaa si adag uga carootay Dowladda Soomaaliya, iyadoo Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ay ku tilmaameen mid xadgudub ku ah madaxbannaanida dalka, halka gudaha Somaliland si ballaaran loogu soo dhaweeyay, isla markaana ay ka dhaceen isu-soo-baxyo taageero ah.