|

Weriyeyaal Israa’iil ka soo jeeda oo laga hor istaagay inay u safraan Somaliland

Warar · Ilhaan · December 30, 2025
Weriyeyaal Israa’iil ka soo jeeda oo laga hor istaagay inay u safraan Somaliland
Weriyeyaal Israa’iil ka soo jeeda oo laga hor istaagay inay u safraan Somaliland
In Summary

Aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay inay siisay Somaliland a

Aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay inay siisay Somaliland ayaa wajahaya fadeexad iyo caqabado sharci. Weriyeyaal Israa’iil ka soo jeeda ayaa ku guuldarreysteen inay u safraan Hargeysa, iyadoo ay ugu wacan tahay shuruudaha fiisaha ama dal-ku-galka oo ay maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bare sare iyo cilmi-baare u dhashay dalka Turkiga, Turnç Demitraș, ayaa bartiisa Twitter (X) ku sheegay in weriyeyaalka toddobaadkan doonayay inay u safraan Hargeysa ay la kulmeen caqabado lama filaan ah. “Markii weriyeyaal Israa’iiliyiin ah ay isku dayeen inay safar duulimaad u jartaan Hargeysa toddobaadkan, kadib aqoonsigii Israa’iil ee gobolka gooni-u-goosadka ee Somaliland, waxa ay la kulmeen wax aysan filaynin...shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah waxay ku xireen shuruud ah in marka hore ay fiiso ka helaan Soomaaliya,” ayuu yiri Turnç Demitraș.

Qoraalkan ayaa soo jiitay falcelin sare, waxaana dadkii ka ka jawaabay ka mid ahaa Cabdiraxmaan Caynte, Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya, kaas oo sheegay in dhacdadani ay muujinayso xaqiiqada sharci ee ku gedaaman arrinta Somaliland.

“Mid ka mid ah aaladaha ugu muhiimsan ee ay Soomaaliya ku difaacato qarannimadeeda iyo midnimadeeda dhuleed waa awoodda ay u leedahay inay dal-ku-galyada (fiisooyinka) u diddoo dadka soo galaya dalkeenna,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Caynte.

Wasiirkii hore ayaa intaas ku daray in shirkad diyaaradeed, ha noqoto mid caalami ah ama mid maxalli ah, aysan ku dhiirran karin inay jebiso siyaasadda rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Ma jirto shirkad diyaaradeed oo caalami ah ama mid gudaha ah oo ku dhiirran karta inay jebiso siyaasaddaas,” ayuu sii raaciyay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Caynte ayaa tilmaamay in xitaa haddii la adeegsado diyaarad gaar ah, aysan suurtagal ahayn in lagu dego garoomada dalka, iyada oo aan fasax laga haysan hay’adaha duulista rayidka ee fadhihoodu yahay Muqdisho.

“Xitaa haddii diyaarad gaar ah la kireysto, haddana waa in fasax degis laga helo hay’adaha duulista rayidka ee Muqdisho,” ayuu yiri.

Falanqeeyayaasha ayaa dhacdadan u arka mid si toos ah u wiiqaysa sheegashada ku saabsan aqoonsi ay Israa’iil siisay Somaliland, maadaama nidaamka caalamiga ah uu weli si buuxda u aqoonsan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay tahay hay’adda kaliya ee sharci ahaan u maamusha hawada, xuduudaha iyo gelitaanka dalka, oo ay ku jiraan gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ama Somaliland.

Waxa ayna tani xaqiijinaysaa farqiga u dhexeeya hadallada siyaasadeed iyo xaqiiqooyinka sharci ee caalamiga ah, iyadoo hoosta ka xarriiqaysa in aqoonsi kasta oo aan ku dhisnayn nidaamkaas; uusan wax saamayn ah ku yeelan karin xaqiiqada dhabta ah ee jirta.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.