|

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo Digniin Culus u Diray Israa’iil

Warar · Ilhaan · December 30, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo Digniin Culus u Diray Israa’iil
Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo Digniin Culus u Diray Israa’iil
In Summary

afiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Baalle, ayaa si cad uga digay Israa’iil inay ku xadgudubto madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Danjiraha ayaa hadalkan ka jeediyay intii uu socday fadhigii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, halkaas oo uu si faahfaahsan ugu muujiyay walaaca dowladda Soomaaliya ee la xiriira faragelinta Israa’iil.

Danjire Abuukar Baalle ayaa adkeeyay in tallaabo kasta oo lagu xadgudbayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si toos ah uga hor imaanayso qawaaniinta iyo mabaa’diida sharciga caalamiga ah, isla markaana ay halis ku tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Ugu dambayn, Safiirka Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka in la ixtiraamo shuruucda caalamiga ah, madaxbannaanida dalalka iyo midnimada Soomaaliya, isaga oo mar kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay si joogto ah ugu dheggan tahay iskaashiga iyo taageerada caalamiga ah.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.