|

Xasan Sheekh iyo Erdoğan oo Istanbul ku xoojinaya difaaca madax-bannaanida Soomaaliya iyo iskaashiga istiraatiijiga ah

Warar · Ilhaan · December 30, 2025
Xasan Sheekh iyo Erdoğan oo Istanbul ku xoojinaya difaaca madax-bannaanida Soomaaliya iyo iskaashiga istiraatiijiga ah
Xasan Sheekh iyo Erdoğan oo Istanbul ku xoojinaya difaaca madax-bannaanida Soomaaliya iyo iskaashiga istiraatiijiga ah
In Summary

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Istanbul.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, guulaha laga gaaray sahminta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyo kor u qaadidda iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladaha guud ee Gobolka, xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo fursadaha horumarineed ee ku saleysan ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga ay goor dhow si wadajir ah u qabtaan shir jaraa’id, kaas oo ay faahfaahin kaga bixin doonaan natiijada kulanka iyo qodobadii ay ka heshiiyeen.

Xasan Sheekh iyo Erdoğan oo Istanbul ku xoojinaya difaaca madax-bannaanida Soomaaliya iyo iskaashiga istiraatiijiga ah

Xasan Sheekh iyo Erdoğan oo Istanbul ku xoojinaya difaaca madax-bannaanida Soomaaliya iyo iskaashiga istiraatiijiga ah

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.