|

Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyey 127 maxbuus munaasabadda Ciiddul-Fitriga

Warar · Ilhaan · March 19, 2026
Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyey 127 maxbuus munaasabadda Ciiddul-Fitriga
Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyey 127 maxbuus munaasabadda Ciiddul-Fitriga
In Summary

Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyey 127 maxbuus munaasabadda Ciiddul-Fitriga

Madaxweynaha Dowladda Gobolleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda Ciiddul-Fitriga awgeed cafis u fidiyey 127 maxbuus oo ku xiran xabsiyada Puntland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay in maxaabiista la cafiyay ay ku kala xiran yihiin xabsiyada magaalooyinka Badhan, Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo.

Qoraalka rasmiga ah ayaa lagu sheegay in cafiskan uu qayb ka yahay munaasabadda Ciiddul-Fitriga, iyadoo aan wax faahfaahin dheeraad ah laga bixin shuruudaha lagu xulay maxaabiista la sii daayay.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda Ciiddul-Fitriga awgeed cafis u fidiyey 127 maxbuus oo ku xiran xabsiyada Puntland .

Maxaabiistan ayaa ku kala xiran xabsiyada magaalooyinka Badhan, Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.