Hoggaanka Midowga Yurub oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka Bariga Dhexe
Hoggaanka Midowga Yurub oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka Bariga Dhexe
Hoggaamiyeyaasha dalalka Canada, France, Germany, Italy iyo United Kingdom ayaa ugu baaqay Israel iyo Lebanon inay si degdeg ah u bilaabaan wadahadallo lagu raadinayo xal siyaasadeed oo waara, kaddib markii ay sheegeen in xaalad bani’aadamnimo oo “aad looga naxo” ay ka jirto gudaha Lubnaan.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen hoggaamiyeyaashan ayaa lagu xusay in Hezbollah looga baahan yahay inay hubka dhigto isla markaana ay joojiso weerarrada ay ku hayso Israa’iil. Waxay sidoo kale cambaareeyeen go’aanka kooxda ee ku biiritaanka dagaalka ay ku lug leedahay Iran.
Madaxdu waxay ka digeen in weerar dhulka ah oo ay Israa’iil ku qaaddo Lubnaan uu sababi karo cawaaqib bani’aadamnimo oo aad u ba’an isla markaana horseedi kara iskahorimaad daba dheeraada, iyagoo carrabka ku adkeeyay in arrintaas laga hortago.
Dhanka kale, United States iyo United Kingdom ayaa Hezbollah u aqoonsaday urur argagixiso.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil xalay ka geysatay magaalada Beirut.
Sidoo kale, milatariga Israa’iil ayaa Isniintii sheegay in ciidamadoodu ay bilaabeen “howlgallo dhulka ah oo xaddidan oo bartilmaameed ah” oo ka dhan ah dagaalyahannada Hezbollah ee ku sugan koonfurta Lubnaan, taas oo muujinaysa sii xoogeysiga xiisadda iyo colaadda gobolka.