Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan la Qaatay Isimada Puntland
Madaxweynaha ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyay doorkooda
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo Cuqaasha dhaqanka Dowlad-goboleedka Puntland, kuwaas oo uu hoggaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse. Isimada ayaa ka mid ahaa martidii ka qeyb gashay munaasabadda caleemo-saarka Madaxda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyay doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka, isaga oo ku bogaadiyay kaalinta soo jireenka ah ee ay ku leeyihiin isku haynta iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Dhankooda, Boqorka iyo Isimada dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynaha ayaa ammaanay dadaalka uu ku bixiyay dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo dardargelinta nidaamka dowliga ah. Waxay sidoo kale muujiyeen dareen qaranimo iyo sida ay uga go’an tahay inay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada.
Kulankan dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaanka dhaqanka Puntland ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland.