Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qeybgalay shir caalami ah oo ka dhacay New York
Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qeybgalay shir caalami ah oo ka dhacay New York
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al‑Makhzoumi, iyo wafdi ballaaran oo ay hoggaamineyso ayaa Soomaaliya sanadkan uga qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee haweenka adduunka oo ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi ayaa khudbad ay ka jeedisay shirka kaga hadashay guulaha iyo horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dhinacyada horumarinta xuquuqul insaanka.
Intii uu socday shirka, wasiirka iyo wafdigeeda ayaa sidoo kale kulammo kala duwan la yeeshay madax iyo wakiillo ka socday dalal iyo hay’ado caalami ah oo ka qeybgalayay kulanka. Waxay kulamadaas ku soo bandhigtay dadaallada ay Soomaaliya ku bixisay dhismaha guddiga madaxa bannaan ee xuquuqul insaanka qaranka, dib u soo celinta madax bannaanida hay’adaha xuquuqul insaanka, iyo horumarka ay haweenka Soomaaliyeed ka sameeyeen dhinacyada siyaasadda iyo bulshada.