Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixay nuqulka Dastuurka cusub ee Soomaaliya
Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixay nuqulka Dastuurka cusub ee Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay nuqulka Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo loo arko tiirka ugu muhiimsan ee dhismaha dowladnimada iyo nidaamka sharci ee dalka, kaddib markii ay soo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadlay munaasabadda saxiixa ee ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay dowladdu billaabayso dhaqan-gelinta dastuurka cusub. Wuxuu xusay in dastuurkan uu saldhig u noqon doono xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri:
“Maanta waxaa soo gabagaboobay safarkii dheeraa ee dib u eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo dheer ku meel gaar ahaa, isla markaana ay dhowaan ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka. Ilaahey idankiis, maanta wixii ka dambeeya waxaa noo bilaaban doona dhaqan-gelintiisa.”
Munaasabadda saxiixa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo guddoomiyeyaasha guddiyada dib u eegista dastuurka.