|

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fariin u diray Xasan Sheekh Maxamuud kadib saxiixa Dastuurka

Warar · Ilhaan · March 9, 2026
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fariin u diray Xasan Sheekh Maxamuud kadib saxiixa Dastuurka
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fariin u diray Xasan Sheekh Maxamuud kadib saxiixa Dastuurka
In Summary

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fariin u diray Xasan Sheekh Maxamuud kadib saxiixa Dastuurka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay saxiixa uu maanta sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee nuqulka Dastuurka cusub, isagoo ku tilmaamay tallaabo sharci-darro ah oo kala qaybin karta ummadda Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in saxiixa dastuurka cusub uu ka hor imanayo habraacyada uu qeexayo Dastuurka ku-meel-gaarka ee Soomaaliya.

Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ka laabto tallaabadaas, islamarkaana uu diiradda saaro qabashada doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku qabsoonta, taas oo ku saleysan habraacyada iyo shuruucda ay ku heshiiyeen dhinacyada siyaasadda dalka.

“Saxiixa sharci darrada ah ee maanta uu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka soo horjeedaa hab-raacyada uu qeexayo dastuurka ku-meel-gaarka, waxa uuna kala geynaa ummadda Soomaaliyeed. Sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa in uu kusoo laabto jidka heshiiska lagu yahay, muddada kooban ee u dhimanna uu ku qabto doorasho loo dhanyahay oo waqtigeeda ku qabsoonta,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in tallaabada uu qaaday Madaxweynaha ay xoojin karto khataraha ku gadaaman dowladnimada dalka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fariin u diray Xasan Sheekh Maxamuud kadib saxiixa Dastuurka

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fariin u diray Xasan Sheekh Maxamuud kadib saxiixa Dastuurka

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.