|

Madaxweyne Xasan oo Laascaanood kula Kulmay Wafdi ka Socday Dowladda Jabuuti

Warar · Ilhaan · January 17, 2026
Madaxweyne Xasan oo Laascaanood kula Kulmay Wafdi ka Socday Dowladda Jabuuti
Madaxweyne Xasan oo Laascaanood kula Kulmay Wafdi ka Socday Dowladda Jabuuti
In Summary

mas’uuliyiinta wafdiga dowladda Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaas oo ka qayb galaya munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay barta warbaahinta bulshada ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu wafdiga la wadaagay mahadcelin iyo abaal taariikhi ah oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jabuuti, gaar ahaan garab istaagga joogtada ah ee ay u fidiyeen Soomaaliya xilliyadii adkaa ee difaaca madax-bannaanida, midnimada dalka iyo taageerada ay siiyeen xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka.

Dhankooda, mas’uuliyiinta wafdiga dowladda Jabuuti ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha diblomaasiyadeed ee ay gaareen, dadaallada lagu ilaalinayo gobanimada iyo midnimada dalka, iyagoo mar kale adkeeyay mowqifka cad ee aan leexleexadka lahayn ee Dowladda Jabuuti ku aaddan ilaalinta qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga dowladda Jabuuti ee booqday magaalada Laascaanood ayaa ka kooban Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Mudane Mu’min Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta, Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin kale.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.