|

Xasan Sheekh Maxamuud oo wadahadal la yeeshay hoggaamiyeyaasha Qatar iyo Urdun

Warar · Ilhaan · March 2, 2026
Xasan Sheekh Maxamuud oo wadahadal la yeeshay hoggaamiyeyaasha Qatar iyo Urdun
Xasan Sheekh Maxamuud oo wadahadal la yeeshay hoggaamiyeyaasha Qatar iyo Urdun
In Summary

Xasan Sheekh Maxamuud oo wadahadal la yeeshay hoggaamiyeyaasha Qatar iyo Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Cabdalla binu Al-Xuseen, Boqorka Urdun, iyo Sheekh Tamiim binu Xamad Al Thani, Amiirka Dowladda Qatar.

Hoggaamiyeyaasha ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaan xiisadaha iyo iskahorimaadyada milatari ee ka taagan Bariga Dhexe. Waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay dejinta xaaladda, yareynta xiisadaha, iyo xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga Dowladda Qatar iyo Boqortooyada Urdun, isagoo cambaareeyay duqeymaha la sheegay in ay kala kulmeen Iiraan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay mowqifka mideysan ee dalalka Carabta, isaga oo xusay in weerar kasta oo lagu qaado dhulka dalalkaas uu yahay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah, islamarkaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida mandiqadda.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.