|

Puntland oo ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya weerar iyo afduub

Warar · Ilhaan · March 4, 2026
Puntland oo ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya weerar iyo afduub
Puntland oo ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya weerar iyo afduub
In Summary

Puntland oo ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya weerar iyo afduub

Maamulka Puntland ayaa si kulul u eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in weerar lagu qaaday xildhibaannada iyo senatarada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaas oo diidan wax ka baddelka dastuurka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in saacaddu markay ahayd 03:00am lagu daatay Hotel Airport ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga Xalane, halkaas oo ay deganaayeen xildhibaannada iyo senatarada.

Puntland waxay ku andacootay in halkaasi ay ka dhaceen jirdil iyo falal ay ku tilmaantay afduub, iyagoo sheegay in aan loo marin habraac sharci ah isla markaana aysan jirin wax danbi ah oo lagu heysto mudanayaasha.

Sidoo kale, Puntland ayaa dowladda Federaalka ku eedeysay afduub loo geystay La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee Arrimaha Bulshada, Axmed Cabdi Hurre.

Qoraalka Puntland ayaa lagu soo gabagabeeyay in masuuliyadda wixii ka dhasha falalkaas ay qaadi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda, ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha federaalka oo ka jawaabaya eedeymahaas.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.