Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo xiray la-taliyaha arrimaha bulshada ee madaxweynaha Saciid Cabdullaahi Deni
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo xiray la-taliyaha arrimaha bulshada ee madaxweynaha Saciid Cabdullaahi Deni
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inay xabsiga dhigeen Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha bulshada, iyagoo ku eedeeyay falal lagu tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga.
War qoraal ah oo uu taliska boolisku ku baahiyay barta Facebook ayaa lagu sheegay in mas’uulkan uu ku howlanaa falal amniga lid ku ah, isla markaana uu hadda ku socdo baaritaan rasmi ah.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkooda qaran ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku howlanaa falal amniga liddi ku ah, waxaana ku socda baaris,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dhanka kale, maamulka Puntland ayaa si adag uga falceliyay tallaabadan, iyagoo ku sifeeyay “afduub sharci-darro ah” oo dhacay xilli habeenimo ah, kuna baaqay in si degdeg ah loo sii daayo mas’uulka la xiray.
Arrintan ayaa dhalisay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa hay’adaha federaalka iyo maamulka Puntland, iyadoo la sugayo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay mas’uulka.