|

Weerar Hubeysan oo Xalay ka Dhacay Saldhigga Dhexe ee Garowe

Warar · Ilhaan · January 17, 2026
Weerar Hubeysan oo Xalay ka Dhacay Saldhigga Dhexe ee Garowe
Weerar Hubeysan oo Xalay ka Dhacay Saldhigga Dhexe ee Garowe
In Summary

Weerar hubeysan ayaa xalay ka dhacay saldhigga dhexe

Weerar hubeysan ayaa xalay ka dhacay saldhigga dhexe ee magaalada Garowe, kaddib markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland ay isku dayeen inay xoog ku sii daayaan labo nin oo horay loo soo xiray, taas oo sababtay iska horimaad hubeysan oo ka dhacay saldhigga iyo nawaaxigiisa.

Wararka la xaqiijiyay ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku geeriyooday dhacdadan, halka ay ku dhaawacmeen labo ka mid ah ciidamadii weerarka soo qaaday. Dhaawacyada ayaa loo qaaday Isbitaalka Guud ee magaalada Garowe si loogu daweeyo.

Dhacdadan ayaa la sheegay inay salka ku hayso howlgal ay ciidamada booliska Garowe ka sameeyeen magaalada, kaas oo lagu soo qabtay labo eedeysane, islamarkaana uu ku dhaawacmay hal nin. Arrintaas kaddib ayay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland weerar ku qaadeen saldhigga, iyagoo doonayay inay sii daayaan raggii la xiray.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Cabdiraxmaan Xaaji Abshir, ayaa faahfaahin ka bixiyay iska horimaadkii xalay ka dhacay saldhigga dhexe ee Garowe. Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay taliska qeybta booliska gobolka Nugaal ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, isla markaana uu sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca saddex kale oo ka mid ah ciidamada Daraawiishta.

Guddoomiyaha ayaa xusay in khasaaraha ka dhashay dhacdadan uu yahay mid xaddidan marka loo eego rasaastii iyo iska horimaadkii dhacay, wuxuuna tilmaamay in shaqaaqadu ka dhalatay howlgal amni oo lagu doonayay in lagu soo qabto askar eedeysanayaal ah oo ka tirsan Daraawiishta Puntland.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa sheegay in xaaladda amniga ee Garowe ay hadda degan tahay, islamarkaana ciidamadii weerarka soo qaaday ay ku laabteen xeradoodii. Waxaa uu intaas ku daray in baaritaanno lagu wado dhacdadan si loo ogaado sababihii rasmiga ahaa iyo cidda ka dambeysay.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.