|

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee maamulka Waqooyi Bari.

Warar · Ilhaan · January 17, 2026
MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee maamulka Waqooyi Bari.
Madaxweynaha ayaa Odayaasha Dhaqanka ku bogaadiyey
In Summary

Madaxweynaha ayaa Odayaasha Dhaqanka ku bogaadiyey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, kaas oo diiradda lagu saaray adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Madaxweynaha ayaa Odayaasha Dhaqanka ku bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in midnimada iyo wadajirku ay yihiin saldhigga ugu muhiimsan ee lagu gaari karo dowladnimo waarta iyo horumar muuqda.

Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka ee kulanka ka qaybgalay ayaa ammaanay dadaalka Madaxweynaha ee ku aaddan dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, iyagoo muujiyey dareen qaranimo iyo sida ay uga go’an tahay inay door firfircoon ka qaataan nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo xasillinta deegaannada maamulkaas.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.