Bannaanbaxyo ballaaran oo lagu diidan yahay damaca Israa’iil oo ka dhacay magaalooyin ka mid ah dalka
Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Laascaanood
Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Laascaanood ayaa maanta martigeliyay bannaanbaxyo ballaaran oo ay ka qeybgaleen kumannaan shacab ah, kuwaas oo si wadajir ah uga dhiidhiyay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay kala-jarista dalka, iyo dhaqdhaqaaqyo ay ku tilmaameen kuwo halis ku ah midnimada Soomaaliya oo uu wado maamulka Hargeysa ee Waqooyi Galbeed.
Isu-soo-baxyada oo si nabad ah u dhacay ayaa waxaa ka qeyb galay culimada diinta, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay midnimo iyo dareen qaranimo oo xooggan, iyaga oo adkeeyay difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Culimada ka hadashay fagaarayaasha ayaa si kulul u cambaareysay faragelin kasta oo shisheeye, kuna baaqday in la ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali doonin kala-qaybin ama tallaabo kasta oo dhaawacaysa jiritaanka qaranka.
Bannaanbaxyadan, oo weli ka socda meelo kale oo dalka ka mid ah, ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan dareenka shacabka ee la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo bulshada ay si cad u muujisay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.