|

MW Xasan Sheekh oo maanta hortagaya Xildhibaannada labada Aqal ee BFS

Warar · Ilhaan · December 28, 2025
MW Xasan Sheekh oo maanta hortagaya Xildhibaannada labada Aqal ee BFS
MW Xasan Sheekh oo maanta hortagaya Xildhibaannada labada Aqal ee BFS
In Summary

Xasan Sheekh ayaa maanta hortagaya Xildhibaannada labada Aqal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta hortagaya Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah oo dalka wajahayo.

Farriin rasmi ah oo loo diray mudanayaasha Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in kulankan uu yahay “kulan aan caadi ahayn”, taas oo muujinaysa muhiimadda iyo degdegga ajandayaasha laga hadlayo.

Kulanka ayaa Madaxweynaha si faahfaahsan uga hadli doonaa xaaladda guud ee siyaasadeed ee dalka, isagoo si gaar ah diiradda u saari doona go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, tallaabadaas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay mid si toos ah u halis gelinaysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Ujeeddada kulankan ayaa ah in Xildhibaannada lagu wargeliyo dadaallada diblomaasiyadeed ee socda, isla markaana lagu helo mowqif qaran oo mideysan oo ay si wadajir ah u qaataan Baarlamaanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan degdegga ah ayaa imanaya xilli uu Madaxweynaha hoggaaminayo olole diblomaasiyadeed oo ballaaran oo caalami ah, kaas oo lagu doonayo in lagu fashiliyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, laguna xoojiyo taageerada caalamiga ah ee lagu difaacayo qaranimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.