|

MW Xasan Sheekh oo la filayo inuu madaxda dowlad-goboleedyada kala hadlo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Warar · Ilhaan · December 28, 2025
MW Xasan Sheekh oo la filayo inuu madaxda dowlad-goboleedyada kala hadlo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
In Summary

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay shir wadatashi qaran oo ballaaran, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada dalka iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in shirka uu diiradda saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, xoojinta is-afgaradka qaran iyo jihada mustaqbalka ee dowladnimada Soomaaliya, xilli uu dalku wajahayo xaalad siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo xasaasi ah.

Waxaa la filayaa in maanta ay magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halka Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, uu shalay soo gaaray caasimadda kaddib safar shaqo oo uu ku joogay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Dhanka kale, weli ma cadda in shirka ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, inkastoo wararka la helayo ay sheegayaan in Madaxweynaha uu gogol wadatashi oo ballaaran u fidiyay dhammaan hoggaamiyeyaasha dalka, si looga arrinsado masiirka guud ee Soomaaliya iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu wajahayo xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland, arrintaas oo dhalisay falcelin ballaaran oo gudaha iyo dibadda ah.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.