Madaxweynaha Soomaaliya oo wada-tashiyo qaran la yeeshay madax hore iyo siyaasiyiin
Madaxweynayaal hore iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wada-tashiyo qaran oo lagu xoojinayo difaaca midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dalka la yeeshay Madaxweynayaal hore iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.
Kulankan ballaaran ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta qaranimada iyo midnimada dhuleed, iyo sida looga jawaabayo tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga Somaliland, taas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay mid ka hor imanaysa madax-bannaanida iyo wadajirka dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay kaalinta ay madaxda hore iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ku leeyihiin talo-siinta qaranka, isaga oo xusay in difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay mas’uuliyad wadareed ka sarreysa khilaafaadka siyaasadeed, una baahan midnimo iyo isku-duubni qaran.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay xildhibaannada labada Aqal ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi iyo culimada Soomaaliyeed. Kulamadan ayaa barbar socday wada-xiriirro khadka taleefanka ah oo uu la sameeyay madaxda dalalka gobolka, saaxiibbada caalamiga ah iyo ururrada caalamiga ah, si loo xoojiyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimadeeda iyo qaranimadeeda.