|

Madaxweyne Xasan Sheekh: Doorashada Golaha Deegaanka Banaadir waa tallaabo taariikhi ah oo horseed u ah dimuqraadiyad dhab ah

Warar · Ilhaan · December 24, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh: Doorashada Golaha Deegaanka Banaadir waa tallaabo taariikhi ah oo horseed u ah dimuqraadiyad dhab ah
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay shirka mucaaradka ee ka socda Kismaayo
In Summary

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa khudbad uu u jeediyay shacabka Soomaaliyeed kaga hadlay muhiimadda taariikhiga ah ee doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashadani ay noqonayso tiii ugu horreysay ee ka dhacda magaalada Muqdisho muddo ka badan konton sano, taas oo uu ku tilmaamay dhacdo weyn oo mudan in si gaar ah loo xuso loona dabaaldego.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in doorashadan ay astaan u tahay dib-u-soo kabashada dowladnimada dalka iyo dhismaha hay’adaha dastuuriga ah, isla markaana ay marqaati cad u tahay in ammaanka caasimadda Muqdisho uu heer wanaagsan marayo, taas oo suurto-gelisay in doorasho dadweyne lagu qabto.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay muwaadiniinta is-diiwaangeliyay inay si mas’uuliyad leh uga qeyb qaataan doorashada, isagoo xusay in ka faa’iideysiga xaqa codbixinta uu yahay tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ay yihiin tallaabo hore loogu sii socdo hirgelinta doorashooyin dastuur ah oo dalka oo dhan ka dhaca, kuwaas oo ay si toos ah uga qeyb qaadanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.