|

DFS oo billowday daad-gureynta ciidamo lagu sugayo ammaanka doorashooyinka Muqdisho

Warar · Ilhaan · December 24, 2025
DFS oo billowday daad-gureynta ciidamo lagu sugayo ammaanka doorashooyinka Muqdisho
DFS oo billowday daad-gureynta ciidamo lagu sugayo ammaanka doorashooyinka Muqdisho
In Summary

Dowladda Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u billowday daad-gureynta ciidamo isugu jira Boolis iyo kuwa kale oo ka tirsan hay’adaha ammaanka, kuwaas oo lagu daadiyay wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo la dardargelinayo diyaar-garowga sugidda ammaanka doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Ciidamadan ayaa loo xilsaaray ilaalinta goobaha doorashooyinka, gaar ahaan wadooyinka muhiimka ah iyo xarumaha codbixinta. Wadada 30-ka ayaa kamid ah meelaha si weyn saaka loogu arkay ciidamo Boolis ah oo ku jira heegan buuxa.

Dhanka kale, xalay magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay kulan ay yeesheen saraakiisha sare ee Ciidanka Booliska iyo guddiga doorashooyinka, kaas oo diiradda lagu saaray qorshaha guud ee sugidda ammaanka, ka hortagga falalka amni-darro, iyo hubinta in doorashadu u dhacdo si nabad ah oo habsami leh.

Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto 25-ka bishan, oo ku beegan maalinta Khamiista, waxaana ay ka dhici doontaa magaalada Muqdisho. Doorashadan ma aha mid qof qof loogu codeynayo, balse waa nidaam ay dadweynuhu ku dooranayaan xisbiyo iyo ururo siyaasadeed.

Sida ay guddiga doorashooyinka sheegeen, dadka codeynaya ayaa kala dooran doona ilaa 20 xisbi iyo urur siyaasadeed oo si rasmi ah uga qeyb qaadanaya tartanka doorashada.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in maalinta berri ah la xadidi doono qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda, isla markaana si ku-meel-gaar ah loo joojin doono duulimaadyada ka baxaya kana soo degaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, taas oo qeyb ka ah qorshaha amni ee la xiriira doorashada.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.