|

Xuska 82-guurada Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta ka dhacaya Muqdisho

Warar · Ilhaan · December 20, 2025
Xuska 82-guurada Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta ka dhacaya Muqdisho
Xuska 82-guurada Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta ka dhacaya Muqdisho
In Summary

Muqdisho waxaa ka socda xuska 82-guurada aas-aaska Booliska Soomaaliyeed, oo uu ka qaybgalayo Madaxweyne Xasan Sheekh, laguna soo bandhigayo dhoolatus, waxqabadka ciidanka iyo qorshaha horumarinta mustaqbalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qayb galaya munaasabadda xuska sanad-guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo lagu qabanayo Xarunta Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan ayaa lagu maamuusayaa doorka muhiimka ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku leeyihiin sugidda amniga, ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta, iyo u adeegidda bulshada Soomaaliyeed. Inta lagu guda jiro xafladda, waxaa la soo bandhigi doonaa dhoolatus ciidan, sidoo kalena lagu soo bandhigi doonaa waxqabadka iyo guulaha ay ciidanku gaareen muddadii ay shaqeynayeen.

Xuska ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda ugu sareysa dalka, saraakiil ciidan, masuuliyiin ka tirsan dowladda, iyo marti sharaf kale, iyadoo la filayo in khudbado kala duwan laga jeediyo, kuwaas oo diiradda lagu saari doono horumarinta, tayeynta iyo mustaqbalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah loo aasaasay 20-ka December, sanadkii 1943, iyagoo muddo 82 sano ah laf-dhabar u ahaa sugidda amniga iyo kala dambeynta dalka, isla markaana soo maray marxalado kala duwan oo taariikhi ah.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.