|

Sheekh Shariif oo gaaray Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay shirka Mucaaradka

Warar · Ilhaan · December 18, 2025
Sheekh Shariif oo gaaray Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay shirka Mucaaradka
Sheekh Shariif oo gaaray Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay shirka Mucaaradka
In Summary

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa wafdiga Sheekh Shariif kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Shalay ayaa sidoo kale magaalada Kismaayo waxaa gaaray Ra’iisul-wasaareyaal hore Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, xubno ka tirsan mucaaradka, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo marti sharaf kale.

Shirka ayaa la filayaa in daqiiqadaha soo socda si rasmi ah uga furmo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ajandaha shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa doorashada hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Qaranka.

Sidoo kale, shirka ayaa si qoto dheer loogu falanqeyn doonaa xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka, xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo qorshayaal la xiriira doorashooyin toos ah, kuwaas oo ay si cad uga horyimaadeen golahan iyo xubnaha ku bahoobay.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.