|

Koonfur Afrika oo si adag u cambaareysay tallaabada Israa’iil

Warar · Ilhaan · December 30, 2025
Koonfur Afrika oo si adag u cambaareysay tallaabada Israa’iil
Koonfur Afrika oo si adag u cambaareysay tallaabada Israa’iil
In Summary

Dowladda Koonfur Afrika

Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Israa’iil ay si cad oo rasmi ah u jebisay qawaaniinta caalamiga ah, arrintaas oo si toos ah uga hor imaaneysa mabaadi’da iyo heshiisyada ay dunidu ku heshiisay ee la xiriira madaxbannaanida iyo midnimada dalalka.

Koonfur Afrika ayaa tilmaamtay in Israa’iil ay tahay nidaamka kaliya ee si muuqata u taageera gooni-u-goosadka, tallaabadaas oo khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan ixtiraamka xuduudaha iyo qaranimada dowladaha.

Hadalkan ayaa Koonfur Afrika ka jeedisay kulan degdeg ah oo Golaha Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka dalbatay, iyadoo si cad u sheegtay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin wax sharci ah oo oggolaanaya kala go’ ama aqoonsi gaar ah.

Ugu dambayn, Dowladda Koonfur Afrika ayaa ku baaqday in si buuxda loo ixtiraamo qawaaniinta caalamiga ah, lana ilaaliyo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo mar kale xaqiijisay taageerada ay u hayso qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.