Somalia Sisterhood: Kulankii Kubadda Koleyga ee Ka-hortagga Tacaddiyada Jinsiga
Garoonka Shibis ee Muqdisho, Somalia Sisterhood iyo Super Sign ayaa ciyaar kubadda koleyga ah uga dhigtay madal lagu xoojinayo ololaha 16-ka Maalmood ee ka-hortagga tacaddiyada jinsiga ee haweenka.
Muqdisho, magaalo ay ku kulmaan rajo, halgan iyo dadaal joogto ah; waxay martigelisay mid ka mid ah dhacdooyinka ugu macnaha fog ee lagu xusayay ololaha caalamiga ah ee 16-ka Maalmood ee Ka-hortagga Tacaddiyada Ka Dhanka ah Jinsiga. Ururka Somalia Sisterhood, oo door firfircoon ku leh u-doodista xuquuqda haweenka, ayaa garoonka kubadda koleyga ee degmada Shibis ka dhigay masrax lagu muujinayo awoodda gabdhaha iyo baahida loo qabo bulsho xor ka ah tacaddiyada ku salaysan jinsiga.
Yoolka ma ahaynin cidda guusha raacayso, balse waxaa laga dheehan karay baaq muhiim ah, oo ah: Sidii loo ciribtiri lahaa haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed oo weli wajaha dhibaatooyin gun dheer oo ku saabsan bedqabkooda, codkooda, iyo helitaanka cadaalad.
Garoonka waxaa isaga horyimid ciyaartoyda hablo kala metelayay laba kooxood - Somalia Sisterhood iyo Super Sign, kuwaas oo aan keliya u ciyaaraynin dhibcaha, balse u dheelayay dhambaal bulshada dhexdeeda ka muuqan kara.
Kooxda Somalia Sisterhood ayaa ugu dambayn ku adkaatay 42 jeeso, balse guusha dhabta ah waxay ahayd sida gabdhaha ay ugu muujiyeen bulshada; awood, kalsooni iyo ka-dhiidhinta dhibaatooyinka jinsi.
Markii kulanka ciyaarta soo dhammaaday, mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir, Booliska, Xiriirrada ciyaaraha iyo Madaxtooyada ayaa gudaha u galay garoonka. Mid kasta oo ka mid ahi waxa uu u yimid sababo ku saabsan shaqo, balse waxa ay wadaageen hal ujeeddo.
“Ciyaartan waxa aan u qabannay si gabdhuhu u muujiyaan awooddooda, bulshada Soomaaliyeedna loogu xasuusiyo in tacaddiyada jinsiga ay wali yihiin caqabad aan la iska indho tiri karin, oo u baahan in la ciribtiro.” ayey tiri, Najma Maxamed, guddoomiyaha Somalia Sisterhood.
Hadalkan Najma, wuxuu xambaarsanaa muhiimad weyn, gaar ahaan marka la eego in tacaddiyada jinsiga ay weli saameeyaan haween Soomaaliyeed oo badan, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda qoysaska saboolka ah iyo kuwa laga tirada badan Gudoomiye xigeenka G/Banaadir ee arimaha Bulshada Abdiaziz Mohamud oo ciyaarta daawanayay waxa uu ballanqaaday in ay hubinayaan simidda fursadaha iyo ilaalinta xuquuda ay leeyihiin gabdhaha Soomaaliyeed.
“Waxaan garab taagannahay gabdhaha ciyaartoyda ah. Waxaa waajib nagu ah inaan difaacno xuquuqdooda, kana hortagno tacaddiyada, si ay u helaan fursado siman, islamarkaana aan hubinno in aan lagu tumannin xuquuqdooda dastuurka u dammaanad qaadayo.” ayuu yiri.
Ciyaar gabdho ku dhexmaraysa magaalo colaad, faquuq iyo tacaddiyo soo martay waxay u noqotay meel ay ku helaan ammaan, isku kalsoonaan iyo madal ay ku muujiyaan kartidooda. Guddoomiyaha xiriirka kubadda koleyga, CABDULLAAHI DAQAALE oo ka hadlay aragtida ciyaaraha iyo haweenka, ayaa yiri: “Waxaan rabnaa in gabdhaha Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb qaataan ciyaaraha. Xiriirku wuxuu diyaarinayaa jawi ammaan u ah oo ay ku horumarin karaan hibadooda.”
Laakiin tacaddiyada jinsiga ma aha oo keliya dhinaca bulshada, waxay sidoo kale u baahan yihiin fulin sharci, galangal-u-siinta gabdhaha qaanuunka iyo ku-difaacidooda: Samira Nazarani, U-qaybsanaha booliska ee arrimaha jinsiga oo ka hadashay sida hay’adaha amniga ay u diyaar u yihiin inay qaataan kaalintooda, ayaa sheegtay in sababta loo unkay hoggaanka Jinsiga ay tahay in la difaaco gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed.
“Tacaddiyada jinsiga waa khatar dhab ah. Booliska wuxuu diyaarinayaa nidaamyo lagu difaaco gabdhaha, loogana gudbo dhaqamada gurracan ee dhaawacaya haweenka iyo dadka la haybsooco.” ayey tiri.
Arrin kale oo dhiirrigelin u horseedaysa gabdhaha Soomaaliyeed ee doonaya inay garoomada ku soo baraarugaan, waxa ay ahayd in Hani Kuurlibaax, la-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha dhallinyarada iyo ciyaaraha ay ayidday muhiimadda kulanka ciyaareed iyo muujinta karaanka haweenka.
“Gabdhaha Soomaaliyeed kartidooda lama qiyaasi karo. Waxaan rabnaa in la siiyo garoomo iyo tababarro u qalma si ay si' muuqata doorkooda uga qaataan ciyaaraha oo ah isdhexgal bulsho.” ayey tiri.
Mas'uuliyiintii ka kala socotay ururrada dhallinyarada iyo haweenka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa muujiyay baahida loo qabo joogteynta awoodsiinta gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed.
Ciyaartii kubadda koleyga waxay noqotay tusaale qayixan oo muujinaya in haweenka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin ilaalinta bedqabkooda, sinnaanta iyo helitaanka cod.
Ololaha 16-ka Maalmood ee ka-hortagga tacaddiyada jinsiga ee sanadkan wuxuu Soomaaliya ugu soo aadayaa xilli ay weli jiraan caqabado badan, sida: Takoor, Ceebeyn, Dhayalsi, Kufsi iyo Dil. Laakiin maanta, gudaha garoonka waxaa ka bidhaamay iftiin yar oo rajo leh. Somalia Sisterhood, waxay muujinayaan in halgan hagar la’aan ah uu socdo - mid aan ku dhammaan garoonka uu ka billaabmay; balse gaara guriga iyo goob walba ee geyiga Soomaaliyeed.