|

Taliyaha Booliiska oo Daah-furay Dib-u-Dayactirka Saldhigga Booliska Degmada Cabdicasiis

Warar · Ilhaan · December 10, 2025
Taliyaha Booliiska oo Daah-furay Dib-u-Dayactirka Saldhigga Booliska Degmada Cabdicasiis
xarig jarka saldhiga
In Summary

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dib-u-dayactir ballaaran oo lagu sameeyay Saldhigga Booliska Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Taliyaha Booliska degmada Cabdicasiis, Dhame Cismaan Gaab, ayaa soo dhoweeyay Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Taliyaha Qeybta Guud, Gaashaanle Sare Macallin Mahdi, isaga oo warbixin guud ka siiyay xaaladda amniga degmada iyo howlaha uu saldhiggu bulshada u hayo.

Saldhigga Booliska ayaa lagu sameeyay isbeddel muuqda oo ka kooban dhismo cusub iyo dayactir dhammaystiran, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay qorshaha Taliyaha Ciidanka Booliska Asad Cismaan ee lagu casriyeynayo xarumaha iyo adeegyada booliska ee dalka.

Mas’uuliyiinta ku sugnaa furitaanka ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in bulshada loo helo adeeg amni oo hufan, halka dib-u-dhismahan cusubna uu kor u qaadi doono howlgalka ciidamada iyo adeega ay u qabtaan shacabka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.