|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Warar · Ilhaan · December 10, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka
In Summary

Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xubnaha guddigan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Guddigan uu muujinayo sida dalka uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta, isagoo ammaan u jeediyay wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo horseed u ahayd diyaarinta sharci waafaqsan xeerarka iyo diinta isla markaana suurtageliyay dhismaha Guddigan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku hoggaamisay hannaanka sharci iyo farsamo ee suurta geliyay in la helo Gudi u diyaarsan gudashada waajibaadkiisa qaran.

Ugu dambayn, Madaxweynaha oo Alle uga baryey fududeynta howlaha xubnaha Guddigan, ayaa xusuusiyay mas’uuliyadda weyn ee looga fadhiyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta dowladnimada ku dhisan caddaalad, isla xisaabtan iyo hufnaan.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.