Maanta waxaa Muqdisho soo gaartay Asli Xasan Nuur oo ah Gabar Soomaaliyeed taas oo noqotay Haweeneydii ugu horeysay oo Afrikaan ah oo Noqotay Duuliye Diyaaradeed.
Duuliye sare Asli Xasan Cabaade ayaa waxa ay ka mid tahay dadka baalka dahabka ah kaga jira taariikhda halyeeyada Soomaaliyeed, waana gabadhii ugu horeysay ee ku biirta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, duulisana diyaarad, taariikhdu markay ahayd 09 Bishii September 1976, iyadoo duulisay diyaarad nooceedu ahaa Cessna 150, taasoo maalin xusuus gaar u ah CiidankaCirka iyo taariikhda Gabdhaha Soomaaliyeed.
Asli oo baal cusub u furtay in gabdhaha Soomaalieed iyo kuwa Afrikaba aysan ka gaabin wiilasha ayaa haatan waxay ku noo shahay Gobolka Texas ee dalka Maraykanka oo ay deganayd 26-kii sano ee la soo dhaafay, dalkuna uu ku jiray xaaladaha burburka iyo dowlad la’aaneed.
Waxaa hadda loo yaqaannaa “Asli-Calanside †maxaayeelay waxay had iyo jeer xirataa calanka Soomaaliyeed ee baluuga ah, taasina waxay ku muteysatay qaddarin iyo qiimo weyn oo ay u hayaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.
Asli 2011-kii ayey waxay booqasho  ku timid  Magaalada Muqdisho iyadoo Asli Xasan Cabaade maamulka Isbitaalka Forlanini ku wareejisey deeq daawooyin iyo lacag isugu jira oo loogu talo galay bukaanada Isbitaalkaasi.