Sahminta Shidaalka: Ceelka Holhol oo loo arko isbeddelka cusub ee dhaqaalaha Soomaaliya
Shidaalka somalia — Wararka laga helayo ilaha ku dhow sahminta khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya ayaa muujinaya in deegaanka Holhol ee Waqooyi Bari uu hadda u muuqdo halka rasmiga ah ee laga bilaabi doono qodista ceelka labaad ee shidaalka dalka. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe weyn oo lagu doonayo in lagu baahiyo sahminta shidaalka ee dalka oo dhan.
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in dadaallada hadda socda ay yihiin kuwo lagu diyaarinayo kaabayaashii iyo farsamadii lagu bilaabi lahaa qodista ceelkan. Haddii mashruucan uu guuleysto, waxaa loo aqoonsan doonaa ceelka labaad ee shidaal laga soo saaro gudaha Soomaaliya, taas oo dalka u horseedi karta isbeddel weyn oo dhanka dakhliga iyo koboca dhaqaalaha ah.
Khubarada dhanka tamarta ayaa rumeysan in ceelka Holhol uu dhiirrigelin doono shirkadaha caalamiga ah ee maalgashiga si ay ugu dhiirradaan ka faa’iidaysiga khayraadka badda iyo berrigaba leh ee Soomaaliya. Waxaa la rumeysan yahay in guusha laga gaaro ceelkan ay fure u noqon doonto in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirto dalalka soo saara shidaalka ee caalamka.
Inkasta oo aan wali si rasmi ah loo shaacin xilliga ay qodistu bilaabanayso, haddana dhaqdhaqaaqyada farsamo iyo rajooyinka laga qabo deegaanka Holhol ayaa ah kuwo aad u sarreeya. Bulshada deegaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn isha ugu haya horumarkan, iyagoo rajeynaya in khayraadka dalku uu noqdo mid si caddaalad ah oo hufan looga faa’iideysto si loo beddelo nolosha muwaadiniinta.


