HomeWararMadaxweynaha Puntland oo Maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Puntland oo Maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, oo safar ugu maqnaa dalka dibediisa ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ahna Xarunta Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sunaa Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana wuxuu dalkaas kulan kula soo qaatay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Imaaraadka Carabta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu kulan kale Magaalada Addis Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed, isagoo kala hadlay Arrimo kala duwan, sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay .

Madaxweynaha ayaa waxaa kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe, Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Goleyaasha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Deni ayaa inta uu ka maqnaa Puntland waxaa Magaalada Boosaaso ka dhacay iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac, kaasi oo ka dhashay is hor istaagii lagu sameeyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar, xilli ay dooneysay inay ka degto Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories