HomeWararJubbaland oo Maanta Dil toogasho ah ku fulisay Rag  horey u geystay...

Jubbaland oo Maanta Dil toogasho ah ku fulisay Rag  horey u geystay dilal bareer ah

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ah xukun dil ah ku fulisay laba dambiile oo hore si ula kac u gaystay dil, kuwaasi oo horey Maxkamadda Ciidamada Maamulka xukun dil toogasho ugu ridday Labada Nin ee dilka toogashada ahaa lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray […]

- Advertisement -

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ah xukun dil ah ku fulisay laba dambiile oo hore si ula kac u gaystay dil, kuwaasi oo horey Maxkamadda Ciidamada Maamulka xukun dil toogasho ugu ridday

Labada Nin ee dilka toogashada ahaa lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Cabdille Ismaaciil oo hore dil ugu gaystay marxuum Cabdicasiis Axmed Iimaan iyo gacan ku dhiigle Cabdi Xasan Isaaq oo oo hore si bareer ah u dilay Axmed Xuseen Cismaan.

- Advertisement -

Xeer ilaaliya Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo toogashada kadib warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dilka labadan qof uu iyagana daawo u yahay, isla markaana ay ku kala nabad galayaan shacabka,

Sidoo kale wuxuu Xeer ilaaliya Maxkamadda carrabka ku adkeeyay in qof walba oo dil bareer ah gaysto sida ay diinta islaamka iyo xeerarka dalka u yaalan qabaan in lagu oofin doono qisaasta jariimada u gaystay si buu yiri ay umaddu u kala nabad gasho dilka sharci darrada ahna uu ooga yaraado.

 

Latest stories