HomeWararCiidamo ka tirsan Booliska AMISOM oo laga dejiyay Magaalooyinka Baraawe iyo Dhuusamareeb

Ciidamo ka tirsan Booliska AMISOM oo laga dejiyay Magaalooyinka Baraawe iyo Dhuusamareeb

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Ciidamo Booliis ah oo ka tirsan AMISOM ayaa saaka gaaray Magaalada Baraawe ee xarunta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaana Magaaladaasi laga dajiyay diyaaarad sidday Ciidanka. Wararka ayaa intaas ku daraya in sababta Ciidankaasi loo geeyay Baraawe ay tahay in la doonayo in ay qayb ka noqdaan sugidda ammaanka doorashooyinka dalka, oo dhawaan la guda gali […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo Booliis ah oo ka tirsan AMISOM ayaa saaka gaaray Magaalada Baraawe ee xarunta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaana Magaaladaasi laga dajiyay diyaaarad sidday Ciidanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sababta Ciidankaasi loo geeyay Baraawe ay tahay in la doonayo in ay qayb ka noqdaan sugidda ammaanka doorashooyinka dalka, oo dhawaan la guda gali doono doorshada Aqalka hoose.

- Advertisement -

Degmada Baraawe ayaa ka mid ah goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, waxaana todobaadkii hore booqday Madaxweynaha Koofur Galbeed, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiyada doorashada.

Dhanka kale Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamul Goboleedka Galmudug waxaa saaka ka degay Ciidan ka socda Booliska AMISOM, kuwaasi oo iyaguna qayb ka ah sugidda ammaanka doorashooyinka golaha shacabka.

Sidoo kale wararku waxaa ay intaas ku darayaan in maal maha soo socda la doonayo in Magaalada Dhuusamareeb lagu daabulo Ciidamo farabadan oo ka socda AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya, kuwaasi qayb ka ah ammaanka doorashooyinka dalka.

- Advertisement -

Waxaana xusid mudan in Maamulkaasi uu haatan wajahayo xaalad kacsanaan ah,maaddama ay qaybo badan iyo magaalooyin muhiim ah ay ka baxeen gacanta Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor, waxaana degmooyin iyo degaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud gacanta ku haya xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Sidoo kale waxaa dhawaan xilka banneeyay Wasiirkii amniga maamulka galmudug Axmed Macalin Fiqi, kadib markii sida uu sheegay isaga iyo Qoorqoor ay isku fahmi waayeen hannaanka loo wajahayo, Ahlu Sunna, taasi oo keentay in uu xilka iska casilo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts