HomeWararFaah faahin:-Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Balcad

Faah faahin:-Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Balcad

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay weerar lagu qaaday Bar koontarool oo ay ku leeyihiin Ciidanka dowladda Federaalka. Rag hubeysan ayaa weerarka oo rasaas loo adeegsaday ku qaaday Koontarool ay ku sugnaayeen Ciidanka oo ku yaalla gudaha degmada Balcad, waxaana ka […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay weerar lagu qaaday Bar koontarool oo ay ku leeyihiin Ciidanka dowladda Federaalka.

Rag hubeysan ayaa weerarka oo rasaas loo adeegsaday ku qaaday Koontarool ay ku sugnaayeen Ciidanka oo ku yaalla gudaha degmada Balcad, waxaana ka la sheegay inuu ka dhashay khasaaro.

- Advertisement -

Dad ayaa ku warramay in xalay ay maqlayeen rasaas dhaceysay oo markii dambe istaagtay, waxaana weerarka ku geeriyooday laba Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda oo ku sugnaa koontaroolka la weeraray.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoona ka sheegay inay halkaas ku dileen laba Askari.

Sidoo kale Shabaabka ayaa waxaa ay intaas kusii dareen in labada Askari ee la dilay ay ka qaateen 2 qori AK47 ah oo ay wateen, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxeysa maamulka Balcad oo ku aadan weerarkaas dhacay.

- Advertisement -

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan oo geystay khasaaro ku qaaday degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoona marar badan sheegtay Al-shabaabka inay la wareegeen degmadaas.

Latest stories