HomeWararBoliska Wajeer oo lagu tuhunsan yahay Dhallinyarro lagu la’ yahay W/bari...

Boliska Wajeer oo lagu tuhunsan yahay Dhallinyarro lagu la’ yahay W/bari Kenya

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Waxaa sii kordhaya eedeymaha loo jeedinayo Laamaha Ammaanka ee Kenya oo lagu tuhunsan yahay inay xiraan dhallinyarradda looga shakiyo inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Dadka deggan Wajeer ayaa weli baadi-goob ugu jira dad la la’ yahay, kuwaasi oo ay Boliska kala baxeen guryahooda.

Ugu yaraan Shan qof oo ay dad ka maqan yihiin ayaa shalay tegay Saldhigga Boliska Wajeer, iyagoo doonaya inay helaan akhbaarta rag ay Boliska horey u xireen.

Dadka la la’ yahay ayaa la sheegay inay badankooda yihiin dhallinyarro ay da’doodu u dhexeyso 19 ilaa 35 jir.

Khadiija Osman iyo Ceebla Abdullaahi oo iyagu la’ halkii ay ku dambeeyeen raggooda ayaa sheegay inay Ciiddan dhar ah kaxeysteen raggooda xilli habeen ah, isla markaana aysan dib u helin ruuxooda ama raqdooda.

Ilo ku dhodhow Hay’adda Amnesty International ayaa sheegay in ku-dhawaad 500 qof lagu la’ yahay W/bari Kenya.

Dhinaca kale, bishan May 1-dii waxaa Wajeer laga helay Qabuur-wadareed la rumeysan yahay in lagu aasay ugu yaraan 11-qof.

Lama garanayo cidda ku aasatay maydadka halkaasi, inkastoo ay  dadka deegaanka ku eedeynayaan inay Boliska ka dambeeyaan maydadka la helay iyo dadka la la’ yahay.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories