HomeWararDhageyso:-Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Kenya iyo dadka deegaanka oo ka taagan Balad...

Dhageyso:-Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Kenya iyo dadka deegaanka oo ka taagan Balad Xaawo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Xiisad u dhexeysay dadka deegaanka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo iyo Ciidanka dowladda Kenya oo ka dhalatay Burburin Kenya ay ka bilowday gudaha degmada Baladxaawo oo ay sheeganeyso inay leedahay oo maalmihii dambe halkaa ka taagnaa ayaa hadda dib usii laba kacleysay. Wararka aan ka helnay dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in xiisaddu ay soo cusboonaatay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xiisad u dhexeysay dadka deegaanka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo iyo Ciidanka dowladda Kenya oo ka dhalatay Burburin Kenya ay ka bilowday gudaha degmada Baladxaawo oo ay sheeganeyso inay leedahay oo maalmihii dambe halkaa ka taagnaa ayaa hadda dib usii laba kacleysay.

Wararka aan ka helnay dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in xiisaddu ay soo cusboonaatay Kadib markii labadii maalin ee lasoo dhaafay Ciidanka Kenya ay dib ugu soo noqdeen halkii markii hore muranku ka bilowday ayna burburin ku sameeynayaan guryo la dagganyahay taasi oo walaac iyo diidmo xooggan ay ka muujinayaan dadka degmada ku nool.

- Advertisement -

Sidoo Kale Ciidanka Kenya waxaa arintan dib usoo cusboonaatay ku gacansiinaya xubna ka mid ah Maamulka degmada Baladxaawo oo sida la sheegay lacago kusoo qaatay sidii shacabka ka dhiidhinaya xad-gudubka Kenya ay kusoo sameyneyso ciidda Soomaaliya ay uga dhaadhicin-lahaayeen inaysan howlgalka ciidanku wadaan ka hortagin.

Nabadoon ka mid ah dadka ku nool Baladxaawo oo la yiraahdo Idiris oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in xiisaddu soo cusboonaatay xaalad kacsanaan ahna ay ka jirto,sidoo kale nabadoonkan ayaa inoo sheegay in ciidanka Kenya falkan ay ku gacansiinayaan xubno ka mid ah Maamulka degmada Baladxaawo oo shacabka u qabanaya shirar ay kaga digayaan inay ka hortagaan  weerarka Kenyaatigu ay kusoo galeen degmadaas.

Wararkii ugu dambeeyey ee Saaka Nagasoo gaarayo degmada Baladxaawo ayaa sheegaya in Xiisad Kacsanaan ah ay jirto dadka deegaanka Qaarkood ayaa ka barakacaya degmada Kadib markii ciidanka Kenya ay kulasoo Jarmaadeen Saaka burburin.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Nabadoon Idiris.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts