HomeWararDuqa Muqdisho oo Xafiiskiisa ku qaabilay Xaliimo Yareey

Duqa Muqdisho oo Xafiiskiisa ku qaabilay Xaliimo Yareey

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxana ay ka wada hadleen qaabka ugu habboon ee doorashooyin uga dhici karaan 2020 magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Mudane Yarisow ayaa sheegay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxana ay ka wada hadleen qaabka ugu habboon ee doorashooyin uga dhici karaan 2020 magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Mudane Yarisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu qorshaynayo dimoqoraadiyeynta Caasimadda iyo in talada dib loogu celiyo dadweynaha si ay u soo doortaan cida matalaysa.

- Advertisement -

“Guddoomiye Xaalimo Yarey waxaan wadaagnay waayo aragnimo kala duwan oo ku aaddan habraaca doorasho, maadaama qorshuhu yahay in talada lagu celiyo shacabka, iyaguna ay soo doortaan cida matalaysa. Waxaan sidoo kale isla bidhaaminnay sida ay arrimahan ku hirgeli karaan, iyadoo la isla eegay caqabadaha iyo waxyaabaha xal u noqon kara. ”.Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, tilmaamay in bishaan gudaheeda uu ka dhici doono magaalada Muqdisho shir arrimahan looga tashanayo, shirkan oo wadajir u qaban doonaan maamulka gobolka iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka.

“Waxaan ka dharag sannahay in dadka Muqdisho ay muhiim u tahay in taladu iyaga lagu celiyo, si arrimahaas loo hirgelinayana waxaan shir wadatashi ah qaban doonnaa bishan Feebaraayo, shirkan oo ujeedkiisu yahay in lala tashado qeybaha bulshada iyo in sidoo kale la hirgeliyo waxyaabaha loo baahan yahay si loo gaaro doorasho dadweyne ee qof iyo cod ah sanadka 2020”. Ayuu yiri Eng. Yarisow.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa uga mahadcelisay maamulka gobolka sida ay uga go’an tahay in talada lagu celiyo shacabka, waxana ay intaas ku dartay in ay kala shaqeynayaan wax walba oo dhankooda looga baahan yahay si loo hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah.

Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in doorasho qof iyo cod ah ay dhici doonto sannadka 2020ka. Doorashadaas waxaa maamuli doona Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran, kaas oo la aasaasay bishii Luulyo 2015ka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts