HomeWararTaliyaha Cusub ee Ciidamada AMISOM oo sheegay in uu xoojin doono dagaalka...

Taliyaha Cusub ee Ciidamada AMISOM oo sheegay in uu xoojin doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Taliyaha cusub ee Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya Jim Beesigye Owoyesigire  ayaa si rasmi ah Xafiiska kagala wareegay Taliyihii hore ee Ciidamada AMISOM General Osman Nuur Subagle oo tan iyo bishii July sanadkii 2016-kii xilkaasi hayay. Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM Jim Beesigye Owoyesigire  ayaa balan qaaday inuu meesha ka sii wadayo howsha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha cusub ee Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya Jim Beesigye Owoyesigire  ayaa si rasmi ah Xafiiska kagala wareegay Taliyihii hore ee Ciidamada AMISOM General Osman Nuur Subagle oo tan iyo bishii July sanadkii 2016-kii xilkaasi hayay.

Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM Jim Beesigye Owoyesigire  ayaa balan qaaday inuu meesha ka sii wadayo howsha horay loo bilaabay,wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu xoogga saari doono dhisida awoodda Ciidamada Qaranka Soomaaliya.

- Advertisement -

General Owesiliile oo leh Qibrad ciidan oo 39-sano ay ayaa u horseeday Ciidamada Difaaca Uganda iney helaan Aqoon iyo qibrad Ciidan,isagoo xilal kala duwan oo dhanka ciidan ah ka soo qabtay dalka Uganda oo ay ka mid tahay u adeegida Ciidamada Uganda gaar ahaan Taliyaha Ciidamada Cirka Uganda iyo Jagooyin kale.

Sidoo kale,Taliyaha Cusub ee Ciidamada AMISOM Soomaaliya Jim Beesigye Owoyesigire ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad siin doono xaaladda kala guurka ah,sida Xaaladda Ku-meel-gaarka ah ee Guud ahaan Amniga loogu wareejinayo Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo bur burinta goobaha ay ku hareen Kooxda Argagixisada Al-Shabaab oo xiriir la leh Shabakada Al-Qaa’ida.

“Dhammaanteenba halkaan waxaa nagu heysata hal dhibaato,waana Al-Shabaab. Uma baahnin inaan ku biirno Al Shabaab. Waxaan u baahanahay inaan la dagaalanno, jebino laf-dhabartooda kadibna ugu dambeyn cidhibtirno. Taasi waa Ujeedkeena waan ku guuleysan doonaa, “Sidaasi ayuu balan qaaday Taliyaha Cusub ee Ciidamada AMISOM.

- Advertisement -

Goobta Xil wareejinta ka dhaceysay oo ahayd xarunta Taliska AMISOM ee Xalane waxaa goob joog ahaa Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Howlgalka AMISOM Francisco Caetano Madeira.

Amb; Francisco Caetano Madeira ayaa Yiri “Waxaan doonayaa in dunidu ay ogaato in aanu helnay Sarkaal Cajiib ah, askari aad u sarreeya, Sarkaal ka tirsan ciidamada oo awooda inuu xilkiisa si daacadnimo ah u guto, si ay ku jirto dabeecad wanaag, kana gudbi kara xaalado aad u adag.

Wuxuuna ugu danbeyntii soo dhoweeyay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya,isagoona u balan qaaday inuu si hufan oo xilkasnimo ku jirto ula shaqeyn doono.

Ugu danbeyntii,Taliyihii hore ee Ciidamada AMISOM Generaal Osmaan Nuur Subagle ayaa ugu baaqay dhamaan Saraakiisha Ciidamada AMSIOM iney la shaqeeyaan taliyaha cusub una taageeraan sidii horay isaga ugu garab. istaageen shaqadiisa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts