HomeWararDuqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi"Dadka Muqdisho ma mudna in lagu dul...

Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi”Dadka Muqdisho ma mudna in lagu dul Ciyaaro Dhaanto Siyaasadeed”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Taabid Cabdi Maxamed Gudoomiyihii hore ee gobolka banaadir ahaana duqii muqdisho ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ka dhacay Muqdisho saacadihii la soo dhaafay,sida qarixii shalay,dadkii ku dhintay dabkii ka kacay guri ku yaalla Yaaqshiid iyo Haweenkii la sameeyay. Taabit ayaa sheegay in waqtigaan aysan mudneyd dadka Muqdisho in iyaga oo dhiban hadana dhaanto lagu dul ciyaaro. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taabid Cabdi Maxamed Gudoomiyihii hore ee gobolka banaadir ahaana duqii muqdisho ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ka dhacay Muqdisho saacadihii la soo dhaafay,sida qarixii shalay,dadkii ku dhintay dabkii ka kacay guri ku yaalla Yaaqshiid iyo Haweenkii la sameeyay.

Taabit ayaa sheegay in waqtigaan aysan mudneyd dadka Muqdisho in iyaga oo dhiban hadana dhaanto lagu dul ciyaaro.

- Advertisement -

Hoos Ka Akhriso qoraal dheer oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook.

Allaha u naxariisto dhaman intii ku dhimatay qaraxii shalay ee agagaarka hotel Weheliye iyo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dabkii ka kacay Degmada Yaaqshid iyo shacabkii dawada ku sumoobay, sidoo kale shaqaalihii nadaafadda G/Benaadir ee haweenka u badnaa oo dharaar cad sun lagu buufiyay iyaga oo waajibaad qaran gudanaya wiliba shaqada midda ugu adagiyagana waxaan lee yahay Allaha caafiyo.

Dhacdooyinkaas oo dhan waxay gaar u ahaayeen shacabka, oo ay aheyd in ka hortag la sameeyo amaba marka ay dhacaan lala gaaro gurmad iyo gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah. Bisha Maarso waxay ka mid tahay billaha ugu kuleylka badan Soomaaliya, bal qiyaas Maarso oo dhib dabiici ah wadatay hadii duruufo gurmad la’aan ah kuugu darsanto laguguna fiirsado. Waxaan aad u dareemayaa xanuunka dadka danyarta ah oo aan cidna u maqneyn.

- Advertisement -

Shacabka ku nool G/Benaadir wuxuu ku dulqaataa duruufo adag oo midba mideeda kale ay ka darantahay, waana shacabka kaliya ee bixiya canshuurta ay Dowladda Federaalka ku shaqeyso. Wax u qabasho iskaba daayee waxaa sidii xili-roobaadka oo kale loo sugaa in dhaanto siyaasadeed lagu dul dheelo.

Ugu dambeyntii, dowladnimada aynu maanta heysano waxaa aas-aas uu ah Hay’addaha Sharcidejinta sida; Labada Gole ee Baarlamaanka, hadii aas-aasku liico, waa qarannimada oo liicday. Golaha shacabka waxay matalaan shacabka, shacbkuna xaq buu u yeelanayaa in dareenkooda ay muujiyaan hadii xaalku sidan sii ahaado.

Waxaan ku baaqayaa:

In la ilaaliyo sareynta sharciga, oo aanan dano gaar ah danta guud laga hormarin.
In la ilaaliyo xasaanada xarumaha dowladda, hay’addaha amnigana aan laga weecin sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada oo qaraxa iyo sunta la beegsanaya shacabka.
Maamulka Gobalka Benaadir waxaan ka codsanaya inuu dhugmo u yeesho dhacdooyinka murugada leh ee ka dhacaya xaafadaha Muqdisho iyo inuu sameeyo gurmad deg deg ah.

Muqdishaawiyiinta gaar ahaan dhallinyarada waxaan ugu baaqaya iney hurdada ka toosaan, oo ay iska wareystaan sidii ay kaalin mugleh uga qaadan lahaayeen nabad raadinta iyo u gar-gaarida dadka dhiban. Waxaan hubaa inaad wax badan qaban kartaan hadii aad fikirkiina mideysaan oo aad fulinna ku dartaan.

Ugu dambeyntii, waa in biseylka shacabka marna aanan la beerdareyn, mudanyihiina in loo turo oo aan dushooda dhaanto siyaasadeed lagu dheelin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts