HomeWararSawirro:-Madaxweyne Gaas oo kulan deg deg ah isugu yeeray Gudoomiyaasha Gobolada Puntland

Sawirro:-Madaxweyne Gaas oo kulan deg deg ah isugu yeeray Gudoomiyaasha Gobolada Puntland

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Kulankan uu Madaxweynaha Dawladda Puntland uu la qaatey Gudoomiyeyaasha Gobolada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasaaradda arimaha gudaha, dawladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga oo uu ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Mudane. Cabdulaahi Timacde iyo Wasiir ku xigeenka Wasaardda. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulankan uu maanta la qaatey Wasaardda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kulankan uu Madaxweynaha Dawladda Puntland uu la qaatey Gudoomiyeyaasha Gobolada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasaaradda arimaha gudaha, dawladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga oo uu ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Mudane. Cabdulaahi Timacde iyo Wasiir ku xigeenka Wasaardda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulankan uu maanta la qaatey Wasaardda iyo Gudoomiyeyaasha gobolada waxaa looga wada hadley xaalada guud ee Gobolada sida Amniga, nidaamka dawliga ah, Cashuurha, Dhaqaalaha, waxbarashada, Horumarinta, Abaaraha, xaalufka deegaanka iyo daaweynta xoolaha.

- Advertisement -

Dhinac kale Gudoomiyeyaasha Gobolada oo warbixino kooban siiyey madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada guud ee amniga goboladu wanaagsan yahay, balse meelaha qaar ay ka jiraan xalaad abaareed oo hada isku bedashey biyo dhaamis, gobolada sida gaarka ah ay abaaruhu u saameeyeena ay ka mid yihiin Gobolada Sanaag, Hayland, Kar Kaar iyo qaybo kamida Gobolka Mudug.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadley Gudoomiyeyaasha Gobolada ayaa waxa uu farey inay dar dar geliyaan qaadida canshuuraha bariga iyo macaash-macaashkaba isla mar ahaantana ay adkeeyaan ilaalinta sharciga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, sidoo kalana looga baahan yahey inay la xisaabtamaan hay’adaha aan dawliga ahyn (NGO) iyo hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya gar-gaarka aadanaha si loo hubiyo in la gaarsiiyey adeegii saxdaha ahaa dadka danyarta ah sida barkacayasha, reer guuraaga, dadka ay abaaru saameeyeen iyo guud ahaan shacbka reer Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar daarmey Gudoomiye yaasha Gobolada Puntland iney fiira gaara u yeeshaan kana qeyb qaataan difaaca Puntland, dhinacakalena Madxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Gobolka Gardfuu oo taarikhda markii ugu horeeysey la gaarsiiyey riigii ceel biyood ee ugu horeeyey tan iyo markii Soomaaliaya xornimada qaadatey1960.

- Advertisement -

=DHAMMAAD=

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts