|

DFS oo Dhaqan Gelisay Nidaamka Badda ee ECTN, Somaliland oo ka Hortimid

Warar · Ilhaan · November 19, 2025
DFS oo Dhaqan Gelisay Nidaamka Badda ee ECTN, Somaliland oo ka Hortimid
DFS oo Dhaqan Gelisay Nidaamka Badda ee ECTN, Somalilandna ka Horyimid
In Summary

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, ayaa soo saartay amar ku socda dhammaan maraakiibta iyo gaadiidka kale ee soo galaya Badda Soomaaliya, kaas oo la xiriira dhaqan-gelinta nidaamka cusub ee ECTN (Electronic Cargo Tracking Note).

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, ayaa soo saartay amar ku socda dhammaan maraakiibta iyo gaadiidka kale ee soo galaya Badda Soomaaliya, kaas oo la xiriira dhaqan-gelinta nidaamka cusub ee ECTN (Electronic Cargo Tracking Note).

Nidaamkan ayaa waajib ka dhigaya in si adag loo hubiyo dhammaan maraakiibta imaanaysa dalka, iyadoo si gaar ah loo baarayo macluumaadka ku saabsan alaabaha ay sidaan. Sida ku cad waraaq rasmi ah oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Dekedaha, ganacsatada iyo shirkadaha ku lugta leh dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha ayaa lagu wargeliyay inay si buuxda u gutaan shuruudaha nidaamka ECTN.

Rarka ka imanaya dalalka caalamka waa in horay loo soo gudbiyo macluumaadkooda saxda ah, isla markaana la helo ECTN kahor inta aan badeecadaha lagu dejin ama looga dhoofin dekedaha Soomaaliya. Alaab kasta oo aan wadan ECTN sax ah looma oggolaan doono inay ku soo xirato dekedaha dalka, waxaana lagu soo rogi doonaa ganaaxyo iyo xannibaadyo, sida ku cad bayaanka Wasaaradda.

Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaa si cad uga horyimid nidaamka maamulka badaha ee DFS, iyadoo ku dhawaaqday nidaam u gaar ah oo lagu magacaabo ECTNSL, kaas oo lagu maamuli doono markab kasta ama doon kasta oo badeecad u sida Dekedda Berbera.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland, Axmed Cali Diiriye, ayaa sheegay in Somaliland aysan aqbalayn ECTN-ka DFS, isagoo yiri:
“Dowlad aan Somaliland ahaynina kuma talin karto, kamana fulin karto sharci ama nidaam maamul oo khuseeya maaraynta dekedaha iyo badaha Somaliland.”

Somaliland iyo Puntland ayaa hore uga hortagay nidaamka socdaalka hawada ee DFS, hase yeeshee Puntland weli kama aysan hadlin go’aannada cusub ee la xiriira maamulka iyo cashuuraha badeecadaha badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, arrin ay Somaliland hadda si toos ah u diiday.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.