|

Baarlamaanka Federaalka oo Ansixiyay Dastuurka La Dhammaystiray

Warar · Ilhaan · March 4, 2026
Baarlamaanka Federaalka oo Ansixiyay Dastuurka La Dhammaystiray
Baarlamaanka Federaalka oo Ansixiyay Dastuurka La Dhammaystiray
In Summary

Baarlamaanka Federaalka oo Ansixiyay Dastuurka La Dhammaystiray

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyey wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in laga bilaabo maanta uu dhaqangal yahay dastuurka la dhammaystiray, kaddib markii ay cod u qaadeen xildhibaannada labada Aqal.

Fadhiga ansixinta waxaa goobjoog ka ahaa 185 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 37 mudane oo Aqalka Sare ah, kuwaas oo meel mariyey qodobada wax-ka-beddelka.

Dhinaca kale, maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale qaar ka mid ah mucaaridka siyaasadeed ee ku sugan Muqdisho, ayaa horey u qaadacay geeddi-socodka dhammaystirka dastuurka, iyagoo ku dooday in uusan ku salaysneyn wadatashi buuxa isla markaana aan loo dhammayn si loo dhan yahay.

Arrintan ayaa muujinaysa kala aragti duwanaanshaha weli ka taagan arrimaha dastuurka, iyadoo la filayo in doodaha siyaasadeed ay sii socdaan.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.