|

Shirka Ururka Bariga Afrika oo si Rasmi ah looga Furay Magaalada Muqdisho

Wararka Idaacadda · Ilhaan · October 7, 2025
Shirka Ururka Bariga Afrika oo si Rasmi ah looga Furay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah loogu furay Shirka Ururka Bariga Afrika (EACON 2025), kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah, 7–8 Oktoobar 2025.

Shirka oo ah mid heer sare ah, ayaa waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Munaasabadda furitaanka ayaa noqotay mid si weyn loo dareemay, iyadoo ay ka qeyb galayaan madax sare oo ka socda dalalka xubnaha ka ah Ururka Bariga Afrika (EAC), ganacsato waaweyn, aqoonyahanno, madaxda shirkado caalami ah iyo wakiillo ka socda Beesha Caalamka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkan uu yahay fursad taariikhi ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dalalka Bariga Afrika, loogana golleeyahay in la isku keeno madaxda iyo daneeyayaasha gobolka si ay uga wada hadlaan aragtiyo istiraatiiji ah oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, iyo ganacsiga guud ahaan gobolka.

Shirka sanadkan ee EACON 2025 ayaa diiradda saaraya "Xoojinta Iskaashiga Warshadaha Wax-soo-saarka si loogu Horumariyo Isbeddelka Dhaqaale iyo Bulsho ee Bariga Afrika." Ujeeddada guud ee shirka ayaa ah in la abuuro jawi iskaashi oo mideysan, laguna dhiirrigeliyo horumarinta warshadaha, kororka wax-soo-saarka, iyo kobaca dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah EAC.

Shirka EACON 2025 waxa uu sidoo kale muhiimad gaar ah siinayaa xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya dalalka gobolka. Waxaa la filayaa in shirka uu dhaliyo fursado cusub oo ganacsatada Soomaaliyeed u sahli doona inay ballaariyaan suuqyadooda, isla markaana la dhiirrigeliyo maalgashiga shirkadaha Bariga Afrika ee gudaha Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in EACON 2025 uu noqdo shir taariikhi ah oo xoojin doona doorka Soomaaliya ee hoggaanka dhaqaalaha, siyaasadda iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Bariga Afrika. Shirkan ayaa ka tarjumaya isbeddelka muuqda ee Soomaaliya ku tallaabsaneyso dhanka amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, taasoo sii xoojin karta kalsoonida beesha caalamka iyo dalalka deriska ah.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.