|

"Muxuu Ka Dhigan Yahay Xukunka Madaxweynihii Hore ee DR Congo oo Lagu eedeeyay Dambiyo

Wararka Idaacadda · Ilhaan · October 1, 2025
"Muxuu Ka Dhigan Yahay Xukunka Madaxweynihii Hore ee DR Congo oo Lagu eedeeyay Dambiyo

Maxkamad milatari oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kinshasa ayaa soo saartay xukun culus oo si weyn loo sugayay, ka dhan ah Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo), Joseph Kabila.

Kabila ayaa lagu eedeeyay inuu si qarsoodi ah ula kulmay taliyeyaasha fallaagada M23, islamarkaana uu kormeeray xarumo tababar oo ku yaalla magaalooyinka Goma iyo Bukavu goobo markii dambe ay gacanta ku dhigeen fallaagadu.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay dil isagoo aan maxkamadda joogin, xukunkaas oo lagu riday si maqnaashiyo ah.

Garsoorayaasha ayaa diiday dalab la xiriiray in la la wareego hantidiisa, hase yeeshee waxay taageereen eedeymaha culus ee loo haysto, oo ay ka mid yihiin dambiyo dagaal, khiyaano qaran, iyo shirqool.

Taageerayaasha Kabila ayaa ku tilmaamay xukunka mid si cad u siyaasadeysan, halka saraakiil ka tirsan dowladda ay ku andacoonayaan in go'aanka maxkamadda uu calaamad u yahay isbeddel ku yimid nidaamka caddaaladda ee dalka.

Joseph Kabila, oo 54 sano jir ah, ayaa xilka madaxweynaha hayay muddo 18 sano ah kadib dilkii aabihiis, Laurent Kabila, sanadkii 2001. Wuxuu xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweyne Félix Tshisekedi sannadkii 2019, balse xiriirkooda siyaasadeed ayaa markii dambe xumaaday.

Kabila ayaa dalkiisa ka baxay sanadkii 2023 isagoo iskiis isu musaafuriyay, inkasta oo uu si kooban ugu soo laabtay Goma bishii May ee sanadkan, xilli ay magaaladaasi gacanta ku hayeen fallaagada M23.

Lama oga halka uu hadda ku sugan yahay madaxweynihii hore ee DR Congo.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.