Madaxweyne Trump oo Amray in Ciidamo Loo Diro Portland

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku amray in ciidamada Mareykanka loo diro magaalada Portland ee gobolka Oregon, si loo xakameeyo mudaaharaadyo ka dhanka ah xarumaha lagu hayo dadka muhaajiriinta ah. Sidoo kale, wuxuu oggolaaday in la adeegsado “xoog buuxa” haddii ay xaaladdu sidaas dalbato.
Trump ayaa sheegay inuu "amar siiyay Wasiirka Difaaca, Pete Hegseth, si uu u bixiyo dhammaan ciidamada lagama maarmaanka u ah si loo ilaaliyo magaalada Portland," isagoo magaalada ku tilmaamay mid "dagaal lagu burburiyay."
Madaxweynuhu wuxuu ku andacooday in tallaabadan ay lagama maarmaan u tahay difaaca xarumaha la xiriira hay’adda ICE, kuwaasoo uu sheegay in ay bartilmaameedsanayaan "kooxda Antifa iyo kooxo kale oo argagixiso gudaha ah." Qoraal uu soo dhigay barta bulshada ee Truth Social ayuu ku xusay: “Sidoo kale waxaan oggolaaday adeegsiga Xoog Buuxa, haddii loo baahdo.”
Qoraalka Trump ayaa si weyn loogu cambaareeyay meelo badan, gaar ahaan xildhibaanno Dimuqraadi ah oo sheegay inaysan jirin wax sababo ah oo keeni kara in ciidamo federaal ah loo diro magaalada Portland.
“Ma jirto wax khatar ah oo amniga qaranka ah oo ka jirta Portland. Bulshadeennu waa mid nabdoon oo deggan,” ayay tiri Guddoomiyaha gobolka Oregon, Tina Kotek.
Shir jaraa’id oo ay qabatay Sabtidii, ayay Kotek ku tilmaantay tallaabada Trump mid ah "ku takri-fal awoodeed." Waxay intaa ku dartay in ay la shaqaynayso Xeer-ilaaliyaha Guud ee gobolka, Dan Rayfield, si loo eego in ay jiraan tallaabo sharci ah oo lagama maarmaan ah oo ay qaadayaan.