Maxaa Looga Wadahadlay Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Guud ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mudane António Guterres, xarunta dhexe ee QM ee magaalada New York.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo labada mas’uul ay si gaar ah uga wada hadleen arrimaha nabadda gobolka, sugidda amniga, iyo horumarka waara ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud taageerada hagar la’aanta ah ee Qaramada Midoobay ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu Xoghayaha Guud la wadaagay warbixin ku saabsan guulaha la gaaray, gaar ahaan dhanka sugidda amniga, horumarinta hannaan doorasho oo loo dhan yahay, iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan diblomaasiyadda caalamiga ah iyo sii xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee ay la leedahay hay’adaha muhiimka ah ee caalamka